U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Booqanaya Gaalkacyo Iyo Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyada Oo Dibadda Loo Qaadayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Talaado ah ayaa lagu wadaa in waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug uu booqdo madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas halkaasi oo maalin kahor ay ka dhaceen qaraxyo khasaare geystay.

Gaas ayaa safar dibadda ah ku maqnaa markii qaraxyada ay ka dhacayeen magaalada Gaalkacyo, waxaana markii uu halkaasi tago kormeeri doonaa dadkii ay waxyeellada soo gaartay iyo sidoo  kale meelihii ay qaraxyada ka dhaceen.

Dhanka kale diyaarad gaar ah ayaa lagu wadaa in magaalada Gaalkacyo ay ka qaaddo dhaawacyada daran ee dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay Gaalkacyo.

Saraakiisha caafimaadka Gaalkacyo qaarkood waxay inoo xaqiijiyeen in dadka qaar loo qaadi doono dalka Itoobiya, qaarkoona laga yaabo in la keeno magaalada Muqdisho.

Madaxwayne ku  xigeenka Maamulka Puntland Inijneer Camey oo shalay booqday Gaalkacyo ayaa  sheegay  in Magaalada sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaadayo dadka dhaawacyadooda daran yihiin.

Warkaan wixii kusoo  kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News