U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas oo booqasho deg deg ah ku tagay Boosaaso

Sheeko:War

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Diyaarad gaar ah ayaa madaxweynaha oo ay waheliyaan xubno ka mid ah golaha wasiirada ka qaaday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,waxaana ay ka dajisay xarunta ciidanka badda Puntland oo ku taalla duleedka berri ee magaalada Boosaaso.

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdigiisa ayaa kormeer ku tagay garoonka diyaaradaha iyo dekadda magaalada Boosaaso, halkaasi oo dib u dayactir uu ka socdo.

Sidoo kale, Madaxweyne Gaas ayaa la kulmay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Imaaraadka Carabta, kaasi oo uu kala hadlay Maal gashiga deegaanada Puntland.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa lugu wada goor dhow inuu la hadlo saxaafadda isagoo ugu warbixinaya heshiiska iyo kulanka uu la qaatay mas’uuliyinta dowladda Imaaraadka Carabta.

Bilo ka hor oo u madaxweynaha Puntland tagay Boosaaso waxaa uu halka ku qaabilay safiirka Imaaraadka Carabta Soomaaliya oo ay kawada hadleen sidii ay maal-gashi ugu sameynsan lahaayeen Puntland.

Kulanka labada dhinac kaddib waxaa la sheegay inay heshiis kala saxiixden,madaxweynaha Puntland,madaxda shirkadda iyo safiirka Imaaraadka.