U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Cafis u Fidiyey Maxaabiis Ku Xirnaa Xabsiga Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalin kahor waxa uu tagey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana durbadiiba uu cafis u fidiyey qaar ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsigaasi.

Maxaabiista cafiska loo fidiyey ayaa tiradoodu waxay tahay 13 ruux, waxaana la sheegay in horay dambiyo fudud ay u galeen.

Saraakiisha ciidanka Asluubta Gaalkacyo ayaa sheegay in raggan soo xulistooda loo eegay dambiyada ay galeen iyo sidoo kale mudada xukunka u haray.

Gaas ayaa sidoo kale cafis u fidiyey 33 Maxaabiis ah kuwaa oo ku xiran xabsiga magaalada Garoowe, balse weli lama sii deyn.

Cafiskan uu fidinayo Gaas ayaa imaanaya xilli maalmo aan badneyn ay inaga xigto maalinta ciidul Fidriga, waxaana maxaabiistan ay nasiib u yeelanayaan in ehladooda ay la ciidaan.

Goobjoog News