U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Dhaliil u Jeediyey Shacabka Gaalkacyo (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu magaaladaasi kula kulmay bulshada qeybaheeda kala duwan.

Kulankaan ayaa looga hadlayey ammaanka guud ee magaalada Gaalkacyo, sida looga hortagi karo falalka amni xumo ee magaalada kusoo kordhay iyo sidii loola dagaallami lahaa cid walbo oo nabad galyada wax u dhimeysa.

Xubno ka tirsan golaha maamulka Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirrada Amniga, Deegaanka, Hawlaha guud iyo maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo oo khudbado kasoo jeediyey shirka ayaa dadweynaha u sheegay inay jiraan hawl-gallo lagu sugayo nabadgelyada oo laga bilaabay magaalada, islamarkaana waxay ka codsadeen bulashadu in ay la shaqayso laamaha amniga.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirka soo xiray ayaa dadweynaha reer Gaalkacyo ku dhalliilay in ay ka gaabiyeen doorkoodii la xiriirey sugidda amniga balse looga baahan yahay in isbeddel intaa ka ballaaran la suubiyo lalana shaqeeyo laamaha ammaanka.

Gaas waxa uu sheegay in ay Puntland Gaalkacyo u tagtay in laga fuliyo hawl-gallo baaxad weyn oo lagu xaqiijinayo sugidda nabad-gelyada iyo soo afjaridda fallalka argagixisanimo ee liddiga ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka, islamarkaana shacabka looga baahan yahay in ay qaybtooda ka qaataan si loo soo afjaro kooxaha amni xumida ka wada Gaalkacyo.

Hoos ka arag sawirada

IMG_8250 IMG_8253 IMG_8256 IMG_8262 IMG_8270 IMG_8274 IMG_8279 IMG_8290 IMG_8308 IMG_8313 IMG_8314 IMG_8336 IMG_8359 IMG_8365

Goobjoog News