U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Furay Waddooyin Ku Xirmay Dagaalladii Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ku guuleystay dib u furista waddooyin ku xirmay dagaalladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan kuwa Suuqa magaaladaasi.

Gaas ayaa socdaal ku maray xaafado kamid ah Gaalkacyo, waxaana wehlinayayey mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, maamullada Gaalkacyo ee Labada dhinac, saraakiil ciidan, waxgarad iyo shacab.

Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka ee qeybaha 21-aad iyo 54-aad Janaraal C/laahi Aadan Xuseen (Cirro) iyo Janaraal Siciid Maxamed Warsame (Siciid Dheere) ayaa uga mahad celiyey madaxda Puntland, Galmudug, maamullada Labada dhinac ee Mudug iyo Gaalkacyo iyo shacabka Labada dhinac sida ay uga qeybqaateen nabadeynta magaaladaasi.

Dhanka kale, Madaxweyne Weli Gaas ayaa sheegay inaan loo dulqaadan doonin cid walbo oo dhib ku ah nabadda Mudug, lagana hortagi doono qof walba oo isku daya inuu isku diro shacabka wada deggan gobolkaasi.

Gaalkacyo oo ay amni ahaan hadda la wareegeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe kasoo kabaneysay dagaalladii soo maray.

Goobjoog News