U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Heshiis La Galaya DP World Iyo Dowladda Farmaajo Oo Ka Aamusan

Sheeko:Dalka

Ilo ku dhaw madaxtooyada Puntland ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in madaxweynaha maamulkaasi Cabdiweli Maxamed Gaas uu ku sii jeedo maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka si uu heshiis ula saxiixdo shirkadda hor-u-marinta dekadaha ee DP World, shirkaddan ayaa maamuli doonta dekadda Boosaaso ee gobolka Bari.

In Heshiikaasi uu jiro, waxaa horay Goobjoog News ugu sheegay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, laakin waxaa  muuqata hadda in uu gebogabo marayo.

Shirkadda DP World oo laga leeyahay Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa September sanadkii tagay la wareegtay dekadda Berbera, sida la sheegay, waxaa ay qarash-gareen doontaa ilaa $10 million oo qalab ah si loo dhiso dekadda, waxaa intaa dheer ilaa $5 million oo Kaash ah, 65% maamulka dekadda waxaa iska leh DP World, waxaa muhiim ah in aan wax cashuur ah laga rabin DP World muddo 10-ka sano ah, waxaa kaloo 50% laga cafin doonaa 5ta sano ee xigta.

Imaaraadka Carabta kuma ekaan damaca ah in uu la wareego dekadaha Soomaaliya gaar ahaan xeebaha gacanka Cadan ee waxaa uu sidoo kale Somaliland la saxiiday heshiis militari.

Qaar ka tirsan Xildhibaannada golaha shacabka oo la hadlay Goobjoog News, waxaa ay sheegeen in ay diyaarinayaan mooshin ka dhan ah heshiisyada Imaaraadka, balse waxaa muuqato arrinkaas in ay aheyd iska hadal.

Aqoon-yahanno la hadlay Goobjoog News waxaa ay ka digeen damaca waallida ah ee Imaaraadka Carabta iyaga oo sheegay in dalkaasi Khaliijka ku yaallo uu meel uga dhacayo qawaaniinta caalamiga ah, isla markaana uu ku tummanayo qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.

Arrinta kheyraadka iyo sida loo qeybsanayo weli kama wada hadlin dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, xitaa haddii uu wada hadal jiro waa mid qabyo ah, siyaasadda arrimaha dibadda waxaa ay ka mid tahay 3 arrin oo uu dastuurka ku gaar yeelay dowladda federaalka ah, laakin waxaa cad in maamul goboleedyada aaney arrinkaas ku ixtiraamin dowladda dhexe.

Khatarta heshiikan iyo kuwa kelaba ay leeyihiin waa damaca dowladaha shisheeye, dalka Imaaraadka Carabta waxaa uu qiray in heshiisyadan uu kala tashtay dalka Mareykanka, isla markaana uu kala heshiiyay sidoo kale dalka Masar.

Dowladda Federaalka ah iyo mas’uuliyiinteeda oo gaaraya tiro ahaan 399 mas’uul(marka la isku daro golaha fulinta iyo sharci dajinta) ayaanan  heshiisyada imaaraadka wax dareen ah ka gelin, ma muuqato cid ay dhibeyso.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo tan iyo markii la doortay waxa uu ka aamusay wax badan oo arrimaha dibadda ah, 42 Soomaali ah ayaa lagu dilay xeebaha Yemen, Uhuru Kenyatta ayaa ogolaashiyo la’aan Dhoobley yimid, Imaaraadka oo heshiisyo la galaya Somaliland iyo Puntland, Abuu Dhabi in lala hadlo iska daayey xitaa safiirkiisa looma wicin si arrinkan su’aalo looga weydiiyo, waxaa weli taagan su’aasha ah: Dowladda federaalka ah: Ma iska aamustay mise waa la aamusiyay?

Goobjoog News