U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Mudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu baaqay beello ku dagaallamay deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug, in dagaalladaasi ay ku joojiyaan si shuruud la’aan ah.

Gaas ayaa sheegay in dagaal aanu wiil ku dhalan inuu ku dhinto mooyee, wuxuuna beelaha dagaallamay ugu baaqay iney nabadda qaataan.

“Waxaan ugu baaqayaa beelaha ku dagaallamay Balli-busle iney si shuruud la’aan ah ku joojiyaan dagaalka, qaataan nabadda, dagaal waxbo ma tarayo, waa watqigii nabadda, wax walbana in si xasiloon lagu dhammeeyo aqbala” ayuu yiri Gaas.

Ugu dambeyn, Gaas ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin iney ka qeybqaataan heshiisiinta beelahan.

Beello kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug, ayaa dhowaan ku dagaallamay deegaanka Balli-busle ee Mudug iyo deegaanno kale, iyadoo weli deegaannadaa laga dareemayo xiisadda u dhaxeysa Labada dhinac.

Goobjoog News