U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas Oo Lagu Eedeeyey Inuu Qalqal Siyaasadeed Ka Abuuray Deegaannada Puntland

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah musharrixiinta Puntland ayaa sheegay in madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali Gaas uu qalqal siyaasadeed ka abuuray degaannada maamulkaasi.

Faarax Cali Shire oo kamid ah Musharixiinta u taagan xilka madaxwayne ee Puntland, ayaa ka hadlay Xaaladda Puntland oo xilligan uu ka Jiro Olole Siyaasadeed.

“C/weli Gaas wuxuu la mid yahay Mushariixinta waxba laga weydiin maayo, Xaalada Puntland, Qofkasta waxa uu masuulka ka yahay waxa uu hayo xiliga kala Guurka” ayuu yiri musharraxan.

Waxaa is soo tarayey maalmahan dambe eedda loo jeedinayo madaxweynaha Puntland, iyadoo doorashada Puntland ay ka hartay 29 cisho.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News