U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas “Puntland Waxaa Ka Jirta Xaalad Khatar Ah”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay abaar baahsan oo ka jirta deegaannada uu maamulkaasi ka taliyo.

Wuxuu sheegay Gaas in Khatar aad u weyn ay ka jirto deegaannada Puntland, isaga oo ku baaqay in gurmad degdeg ah lala soo gaaro shacabka ay abaarta hayso.

Beesha Caalamka, iyo shacabka Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogaan ayaa madaxweyne Gaas ugu baaqay in kaalin ay ka qaataan sidii dadkaan looga samotabixin lahaa abaartan.

“Raxmadda Eebbe kama aannaan quusan balse waxaan rabaa in aan shacabka reer Puntland iyo beesha caalamkaba u sheego in ay Puntland ka jirto khatar weyn oo dhinaca abaaraha ah”

“waxaan rabaa in aan caddeeyo in ay Puntland ka jirto khatar weyn oo dhinaca abaaraha ah maadaama ay yaraayeen roobabkii gu’ga ee lasoo dhaafay lagana cabsi qabo in roobabka dayru ay yaraadaan, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in aan dawlad ahaan iyo shacab ahaanba u diyaar garowno, beesha caalamkana marwalba taageeradooda waanu u baahanahay”ayuu yiri Gaas.

Dad badan ayaa ku dhintey deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland Biyo la’aan sabab u noqday in abaar ay ka dhacdo deegaannadaasi, waxaana dadka ay yihiin kuwo gurmad deg deg ah u baahan.

Goobjoog News