U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas “Weli Ma Dhammaan Dagaallada Aan Kula Jirno Al-shabaab”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo kormeer ku tagay deegaannada dhawaan ay ku dagaallameen ciidamada Al-shabaab iyo kuwa maamulkiisa ayaa sheegay in il gaar ah ay ku hayn doonaan dhallinyaro uu sheegay in dhawaan lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay deegaanka Garacad.

Gaas ayaa ugu horeen u mahadceliyey ciidamada maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in weli aanu dhammaan dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

“Weli ma dhammaan dagaalka, cadowga inta ay diyaar garoobayaan waxaa la doonayaa in ciidanka iyo shacabkuba intaasi in la eg iney diyaar sii ahaadaan” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale Cabdiweli Gaas ayaa tilmaamay in carruur uu sheegay in lagu soo qalday dagaallada Puntland ay xanaaneen doonaan, islamarkaana ay maskaxdooda ka saari doonaan fikirrada qaldan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayaa soo bandhigtay in ka badan 20 qof oo carruur u badan kuwaasi oo la sheegay in lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.

Goobjoog News