U bood dhigaalka

Madaxweyne Gaas: Xaaladda Soomaaliya Amniga ma Dhowa

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, C/Weli Maxamed Cali Gaas oo maanta ka hadlayey furitaanka shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, oo ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in xaaladda amniga aaney dhoweyn.

Madaxweyne Gaas oo arrinkan ka hadlayo wuxuu yiri “Xaaladda Soomaaliya amniga ma dhowa, waxaa ay u baahantahay fikirka hadda jira ee nabad galyada in wax laga badalo, Suurtagal maanta ma aha in la yiraahdo Soomaaliya waxaa jiro 26 kun oo ciidan ah iyo inta oo kale ama ka badan oo AMISOM ah, wax ka yar 7,000 ama 6,000 oo wiilal, oo isleenahay waa laga tiro badanyahay, waa laga taageero badanyahay, waa laga shacbiyad badanyahay, oo awood heysan ay shido ay dalka ka wadaan, oo in badan oo ka mid ah gacanta ku hayaan”.

Dhanka Doorashada waxaa uu sheegay in qaabka ay noqoneyso ay su’aalo badan ka taaganyihiin, loona baahanyahay in laga heshiiyo, horayna looga socdo isaga oo intaasi raaciyey “laakin sheeko hal dhinac ka socoto oo keliya, oo dhanka ay rabto u jeedsataa, ma soconeyso”.

Shirka oo todobaadkan ka soconaya Puntland, waxaa kale oo looga hadli-doonaa qeybiga kheyraadka iyo arrimo kale oo muhiim u ah federaaleynta.

Goobjoog News