U bood dhigaalka

Madaxweyne Geelle Oo Khudbad u Jeedinaya Xildhibaannada BFS

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kulan degdeg ah ku yeelanay maanta dugsiga tababarka Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, sida lagu wargeliyey mudanayaashan.

Ulajeedka kulankan ayaa ah khudbad uu madaxweynaha Jabuuti u jeedin doono mudanayaasha Labada aqal ee BFS.

Ammaanka guud ee magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo dhanka kale uu madaxweyne Geelle xarigga ka jari doono xarunta cusub ee safaaradda Jabuuti ka furatay magaalada Muqdisho.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News