U bood dhigaalka

Madaxweyne Geelle Oo La Caleemo Saaray

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta loo caleema saaray xilka madaxweyne oo markii Afaraad uu ku guuleystay.

Munaasabadda caleema saarka Mr Geelle ayaa ka dhacday guriga Umadda ee magaalada Jabuuti.

Madaxda munaasabad ka qey gashay waxaa ka mid ahaa madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo Madaxweyne ku xigeenka Uganda.

Sidoo kale waxaa halkaasi ku sugnaa madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gas, Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo mas’uuliyiin kale oo Soomaliyeed.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu hordhaariyay martida horteeda ayaa ballan ku qaaday in isbedallo badan uu ka sameyn doono dalkiisa, kana shaqeyn doono arrimaha horumarinta.

Mr Geelle ayaa ku guuleystay xilkan markiisa Afaraad kadib doorasho Sideedii April ka dhacday dalkaasi inkastoo mucaaradku diidan yahay qaabka ay wax u dhaceen.

Goobjoog News