U bood dhigaalka

Madaxweyne Geelle Oo Lagu Soo Dhoweeyay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa goor dhow kasoo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Waxaa safarka ku wehlinaya madaxweyne Geelle wasirro, xildhibaanno iyo fanaaniin, waxaana si diiran loogu soo dhoweeyey halkaasi.

Madaxweynaha dowladda federaalka, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) xubo ka tirsan Labada gole ee dowladda, ciidamada qalabka sida iyo dadweyne badan ayaa soo dhoweeyey madaxweynaha dalka Jabuuti.

Sidoo kale, madaxweyne Geelle ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, iyadoo halkaasi lagu garaacay astaamada qaran ee Soomaaliya io Jabuuti.

Waxa uu madaxweyne Geelle la kulmi doonaa madaxweyne Farmaajo oo arrimo dhowr ah ka wadahadli doonaan.

Dhanka kale, madaxweynaha Jabuuti ayaa xarigga ka jari doona dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti oo ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, wuxuuna dhanka kale aadi doonaa magaalada B/weyne oo ay joogaan ciidamo ka socda dalkiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News