U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed “Dad Karti leh Waa In Loo Soo Xulaa Labada Aqal Ee Baarlamaanka”

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay qaabka ay u socoto diyaargarowga doorashada xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federalka.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay ku dadaalayaan in soo xulista ergooyinkii markii la soo dhameystiro in dad miisaan ah oo gobollada dhexe u qalma laga soo dooran doono degaannada Galmudug.

Waxaa uu baaq u diray golaha wakiillada Galmudug ee soo dooranaya xubnaha aqalka sare inay soo xulaan dad karti iyo aqoon leh oo wax ka qaban kara xaaladda degaanka.

Guuleed ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay hadda heystaan fursad ka wanaagsan kuwii lagu soo dhisay dowladihii dalka soo maray oo ay ka fiirsadaan 51-da ergo cidda ay u soo xulanayaan inay ku matalaan baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“ Arrin ka fiirsi u baahan weeye maxaa yeelay maalinta codkaaga aad heyso ammaan buu kuu yahay markaad bixiso ma ahan inaad shalleyso, qofka aad dooranaysid aqoon, karti iyo shaqo shalay haddii xildhibaannada lagu soo xuli jiray meelo kale maanta xildhibaan kasta waxaa lagu dooranayaa degaankiisa, waxaa naga la rabaa dadkii na matali lahaa ee degaanka horumarkiisa iyo wanaaggiisa ka shaqeyn lahaa maanta ayay magan inoo tahay” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in wax kasta oo lagu hirgalinayo doorashada inay gacan ka geysanayaan, hase yeeshee wuxuu meesha ka saaray in Galmudug ay wadato xubno gaar ah.

“Annaga haddaan nahay maamulka inaan faragelin doorashada, annaga cid gaar ah oo xildhibaan u wadanno in aynaan jirin cid gaar ah oo aan u diidannahay in aynaan jirin, waxaana diyaar u nahay in dhammaantood ay ku soo baxaan rabitaanka dadweynaha wax dooranaya” ayuu yiri Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Magaalada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee Galmudug waxaa ka soconaya dadaallo lagu doonayo in lagu qabto shirarka lagu soo dooranayo labada aqal ee baarlamaanka.

Aqalka sare ayaa waxaa doorashadiisa iska leh golaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug halka aqalka hoosena ay soo dooranayaan ergooyinka beelaha oo qoristoodu ay soconayso.

Goobjoog News