U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed: Imaaraadka Looma Tagin Arrimo La Xiriira Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in waxbo kama jiraan ay tahay in dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta ay u tageen arrimo la xiriira doorashooyinka dalka ka dhici doona iyo sidoo kale in dowladdaasi ay taageersan tahay qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Guuleed in warkaasi ay u arkeen dicaayad, balse xaqiiqda ay tahay in dowladdaasi ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Socdaalkeennii Imaaraadka iyo heshiiskeennii waxaa jirey dicaayado badan oo laga sameeyey, waxaa la sheegay in halkaasi loo tagey arrimo ku saabsan doorashooyinka in Imaaraadka ay dhinaycada iyo qabaa’ilka Soomaaliyeed qaarna taageersan tahay qaarna kasoo horjeeddo, dowladda Imraadka waxaan uga mahadcelineynaa dedaalka ay ka geysatay sidii ay ku dhammaan lahayd colaadda Gaalkacyo, sidaasi si lamid ah waxaan ugu mahadcelineynaa wax u qabashada dadka Soomaaliyeed meelihii ay wax ka qabteen wey ku mahadsanyihiin meelihii ay ka qabanna diyaar bay u yihiin, dadka wax noo qabanaya in la xagxagto waa laga fiican yahay, waxaan aaminsannahay in ay tahay dowlad Soomaalida oo dhan u siman, waxna u wada qabaneyso, sidaasna waan ka rajeyneynaa” ayuu yiri Guuleed.

Dhowaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa tagey dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, kadib markii ay casumaad ka heleen dowladda dalkaasi.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa heshiis horudhac ah ku gaarey Isku Tagga Imaaraadka Carabta, kaasi oo ku saabsanaa xallinta dagaallada Gaalkacyo.

Goobjoog News