U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed “Labo Maamul Kama Wada Talineyso Magaalada Gaalkacyo”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dib ugu laabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkiisa kadib safar shaqo oo uu ku joogay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Guuleed wuxuu ugu horreyn ka hadlay dagaalka Gaalkacyo oo uu sheegay inay ka xun yihiin dagaalkaasi oo ay soo abaabushay Puntland.

Maamulka Puntland ayuu dusha kaga tuuray masuuliyadda khasaaraha ka dhashay dagaallada labada maalin ka dhacay galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Guuleed in magaalada Gaalkacyo aysan ka talin doonin labo maamul iyadoo la wada og yahay inay iminka u qeybsan tahay maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka kala taliya Koonfurta iyo Waqooyiga magaaladaasi.

“Waan ka xumahay dagaalka Gaalkacyo maxaa yeelay Gaalkacyo uma baahna kala qeybsanaan iyo dagaal, ka Galmudug ahaan waxaan ku dadaali doonnaa sidii magaalada ay hal gacan ugu geli lahayd hal maamul, labo maamul kama wada talineyso Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Guuleed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay wada hadallo magaalada Muqdisho uu kula yeeshay safiirka dowladda Maraykanka iyo Taliyeyaasha Ciidanka ee Soomaaliya.

Waxay ka wada hadleen labada dhinac duqeyntii dhowaan ciidanka Maraykanka diyaaradihiisa ay ka fuliyeen degaanka Jeexdin ee duleedka Gaalkacyo, halkaasoo Galmudug warkii ka soo yeeray Maraykanka ay ku gacanseyrtay.

Madaxweynaha Galmudug MR. Guuleed ayaa sheegay in Maraykanka ay kala hadleen duqeyntiisa iyo bixinta magta ciidamadii daraawiisha Galmudug ee halkaas ku dhintay islamarkaana ay wada heshiiyeen.

Hadalkani ka soo yeeray madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku soo aadaya iyadoo maalintii labaad magaalada Gaalkacyo galbeedkeeda Koonfureed uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan maamullada deriska ah ee Galmudug iyo Puntland.

Goobjoog News