U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed “Ma Jirto Ciidan Al-shabaab Ah Oo Lug Ku Dhexmaray Degaannada Galmudug”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in dagaalyahannadii qabsaday deegaanno kamid ah Puntland aysan marin deegaannada Galmudug.

Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in ay ka xun yihiin weerarkii Al-shabaab ee dhanka badda uga qaadeen Deegaannada Puntland.

Wuxuu been abuur ku tilmaamay war ka soo baxay Puntland oo ahaa in Xarakada Al-shabaab ay mareen deegaanno kamid ah goballada Galmudug.

“Haba yaraatee wax ciidan lug ah oo Galmudug dhex maray ma jiraan,  dhanka badda ayeey wada mareen dhammaantood, waxay qafaasheen Doonyo ay kalluumeysato lahaayeen”

Madaxweyne Cabdikariin ayaa intaas hadalkiisa ku daray in maamulka Puntland ay diyaar ula yihiin in ay kala shaqeeyaan dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab oo hadda ku sugan deegaano Puntland ay maamusho isaga oo sheegay in arimahaasi wada hadal uu kala sameeyay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland.

“Waxaan wada hadalnay madaxweyne ku xigeenka Puntland oo aan ka wada hadalnay arrimahan, waxaan isla garannay inay muhiim tahay in iskaashi laga sameeyo dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Dhanka kale Ahlu-sunna iyo Dowladda Federaalka ayuu si isku mid ah ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa dagaal kabillowday deegaanno ka mid ah gobolka Nugaal, halkaasi oo khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Goobjoog News