U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Afar Waddo Ka Dhagax Dhigey Cadaado (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta magaalada Cadaado ka dhagax dhigey afar waddo kuwaasoo laga hirgelinayo gudaha magaaladaasi.

Madaxweyne Guuleed oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa si rasmi ah u dhagax dhigey dhismaha laga qabanayo afartani waddo oo ku taalla caasimadda KMG ah ee Cadaado.

Kaddib ka qeybgalkii doorashadii madaxtinimada ee Jowhar ka dhacday ayuu maanta dib ugu laabtay magaalada Cadaado.

Madaxweynaha Galmudug MR. Guuleed ayaa sheegay in maamulkiisa uu horey ugu guuleystay hirgelinta waddooyin kale. Waxaana isku celcelis waddooyinka afarta ah ee magaalada Cadaado laga hirgelinayo ay gaarayaan 4 KM waana Jaay.

“Marka koowaad waxaa idin sheegayaa in waddooyin kor u qaadaya bilicda magaalada Cadaado aan hirgelinayno maamulka degmada ayaana u mahadcelinayaa waxaana sidoo kale bulshada ugu baaqayaa in ay dhibsan inta ay howshu socoto oo ay qeyb ka noqdaan dhismaha waddooyinka si horumar wanaagsan loo gaaro” ayuu yiri madaxweyne Guuleed.

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahir Cabdiraxmaan Xuseen oo ka hadlay madasha dhagax dhigga ayaa sheegay in hay’ad caalami ah ay ka heleen Galmudug mashaariicda hirgelinta waddooyinka.

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud  JPLG oo ay Qaramada Madoobe ku taageerto dowladaha hoose, waxaana sanadkii hore iyo kanba loo qorsheeyay in lagu dhiso waddooyin.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

guuleed-oo-waddooyin-dhagax-dhigay-cadaado-2

guuleed-oo-waddooyin-dhagax-dhigay-cadaado-4 guuleed-oo-waddooyin-dhagax-dhigay-cadaado-5   guuleed-oo-waddooyin-dhagax-dhigay-cadaado-3

guuleed-oo-waddooyin-dhagax-dhigay-cadaado-1

Goobjoog News