U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Baaq u Direy Shacabka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa baaq nabadeed u direy guud ahaan shacabka ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Waxa uu sheegay madaxweyne Guuleed in isaga iyo madaxweynaha Puntland ay dhab ka tahay heshiiskii nabadeed ee ay wada gaareen, sidaasi darteedna shacabka Gaalkacyo looga baahan yahay iyaguna iney heshiiskaasi la qaataan madaxdooda.

Shacabka deggan Gaalkacyo ayuu sheegay madaxweyne Guuleed iney ku wada noolaan karaan oo kaliya walaalnimo iyo is jaceyl.

“Aniga iyo Madaxweyne C/weli Gaas xabad joojintii iyo heshiiskii aan soo saxiixnay Labadeenuba waa inaga dhab, waxaan rajeyneynaa in dadka reer Gaalkacyo ay nala qaataan heshiiskaasi, ma filayo iney jirto cid rabta colaad iyo barakac, Gaalkacyo waligeed meesheeda ayeey ku ooli doontaa, ma jirto cid cidda kale ka saari karto, waxaan filayaa in taasi wada garwaaqsannahay, waxay Gaalkacyo ku fiican tahay in dadka deggan ku wada noolaadan nabad iyo walaalnimo, waxaa la yiri ismahurtooy ha is haleyn” ayuu yiri Guuleed

Maanta ayaa la filayaa in magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kulan toos ah ku yeeshaan madaxda maamullada Puntland iyo Galmudug iney kulan toos ah wada yeeshaan, waxaana magaaladaasi ku wajahan wufuud ka kala socota dowladda Federaalka iyo beesha Caalamka.

Goobjoog News