U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Gaalkacyo Kula Kulmay Odayaal Dhaqameed

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maalintii shalay ahayd gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa kulamo waxa uu xalay la qaatay waxgaradka ku sugan magaaladaasi.

Kulamadaan ayaa ahaa kuwo diiradda lagu saarayay sidii dib u heshiisiin loogu sameyn lahaa shacabka ku dhaqan gobalada Mudug iyo Galgaduud, iyo sidii loo garab istaagi lahaa maamulka cusub ee Galmudug.

Maanta ayaa sidoo kale Madaxweyne Guuleed waxa uu la kulmi doonaa siyaasiyiin ku sugan magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale xubno ka mid ah maamulka magaaladaasi.

Dhinaca kale waxaa socota qaban qaabada munaasabad ballaaran oo la doonayo in lagu soo dhaweeyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo uu halkaasi kula hadli doono.

 Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News