U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Hambalyo Ku Aadan Ciidda u Diray Shacabka Galmudug

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shacabka maamulkaasi waxa uu u diray hambalyo munaasabadda ciidul Adxaa.

Isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa la wadaagayaa shacabka Galmudug maalintaan qiimaha badan.

Waxa uu sheegay in shacabka maalintaan awgeed laga doonayo inay is cafiyaan, islamarkaana gacmaha is qabasadaan.

Maanta ayaa caalamka oo dhan looga dabaal degayaa munaasabadda maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaa.

Ciid Wanaagsan

Goobjoog News