U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Ka Warbixiyey Heshiiskii Jigjiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay magaalada Cadaado ayaa faah faahin waxa uu ka bixiyey heshiiskii magaalada Jigjiga uu kula soo galay dhiggiisa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Waxa uu sheegay in wada hadal dhowr maalin ka socday magaalada Jigjiga uu kusoo dhammaaday guul iyo is faham, islamarkaana laga wada arrinsaday sidii loo joojin lahaa colaadda ka jirta xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhanka Gobolka Galgaduud.

Waxa uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyey ay ka mid ahayd ka wada shaqeynta Labada dhinac ee dhanka ammaanka iyo sidoo kale daminta xiisadda colaadeed ee ka jirta deegaannada ku yaalla gobalka Galgaduud gaar ahaan xadka Itoobiya.

Madaxweyne Guuleed ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe iyo wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya oo kaalin ka qaatay wada hadalladaasi.

Safarka madaxweynaha Galmudug uu ku tagay magaalada Jigjiga ayaa daba socday dagaallo u dhaxeeyay dad shacab ah iyo sidoo kale ciidanka Liyuu Boolis oo ka dhacay deegaanno ku dhaw xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya gaar ahaan dhanka Soomaaliya soo xigta ee gobolka Galgaduud.

Dagaalladaasi waxay sababeen khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo sidoo kale Barakac.

Goobjoog News