U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed Oo Shacabka Gaalkacyo Uga Warbixiyey Heshiiskii Jigjiga

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta halkaasi kulan kula qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Kulankaan waxaa soo qabanqaabiyey maamulka degmada Gaalkacyo, waxaana ka qeybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo maamulka Galmudug ka tirsan iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Guuleed ayaa ugu horeen kulankaan waxa uu kaga warbixiyey heshiiskii uu lasoo galay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo waxyaabihii looga hadlay kulankaasi.

“Ulajeedka kulanka waxa uu ahaa inaan Labo arrin iska wareysanno, midda Koowaad ayaa ahayd inaan iska wareysanno shiqaaqadii ka dhacday Xuduudda oo runtii ahayd dhibaato ayaan darro ah oo si kutalagal ahayn u dhacday bay ahayd waxaana dhibaatadaasi wax ku noqday dad badan oo Labada dhinac, hadii aynu nahay dowlad goboleeda Galmudug dhibkaasi aad buu noo dhibay maxaa yeelay dhib dadkeena iyo Labada shacab ee deriska ah ee walaalaha ah ku dhacay buu ahaa, waxaan gaarnay heshiis lagu nabadeynayo aaggaasi shiqaaqada ay ka dhacday, heshiiskaasi waxa uu tilmaamayaa dhowr qodob, kan ugu horreeya wuxuu yahay in la joojiyo wax walbo oo colaad keeni kara hadii ay tahay gacan iyo hadii ay tahay af Labadaba” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne Guuleed ayaa kula dardaarmay shacabka ku dhaqan Galmudug inay bixiyaan canshuurta si ay kaalin uga qaataan dib u dhiska deegaannada Galmudug.

Dhinaca kale qaar ka mid ah bulshada rayidka iyo Odaya dhaqameedyadii shirkaasi ka qeybgalay ayaa kula dardaarmay dowlad goboleedka Galmudug inay xoojiso dadaallada ay dhanka nabadda ugu jirto iyo sidoo kale horumarinta nabadda.

Goobjoog News