U bood dhigaalka

Madaxweyne Guuleed: Puntland Ayuu Ka Dhaqangeli La Yahay Heshiiskii Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka dhaqangeli la yahay heshiiskii nabadda ee sanadkii hore lagu gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Guuleed ayaa sheegay in maamulkooda mar walbo diyaar u ahaa in gogosha nabadda la isugu yimaado, balse Puntland ay tahay midda marwalbo ka cago jiideysa.

“Waxaad ogtihiin bishii November Sanadkii hore dagaalladii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo heshiis ayaa lagu saxiixday oo dagaalladii ku joogsadeen, kaasi oo dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka inta kasoo shaqeeyeen, waxaan ka xunnahay in heshiiskaasi uu weli dhaqangelin, waxa uu ka dhaqangeli la yahayna tahay walaalaheen Puntland, oo diiday in gogosha wada hadallada soo fariistaan, diiday in nabaddii la saxiixay halkaasi laga sii amba qaado si loo helo degenaanshiyo iyo xasilooni buuxda oo deegaankaan ka amba qaadda, waxaa xaqiiqo ah in dadka reer Galmudug iyo Puntland yihiin kuwa nabadda ugu baahida badan” ayuu yiri madaxweyne Guuleed.

Ugu dambeyn madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay maamulka Puntland iney ilaaliyeen derisnimada Labada maamul, lagana fogaado wax walbo oo colaad hurin kara.

Hadalka Guuleed ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidamada Puntland oo diyaarado Maraykanka ah la socdaan ay weerar ka fuliyeen deegaanka Jeexdin oo la tilmaamay iney ku sugnaayeen ciidan ka tirsan Galmudug.

Goobjoog News