U bood dhigaalka

Madaxweyne Guursaday Wasiirkiisa Arimaha Dibadda

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Transnistria Yevgeny Shevchuk ayaa isniintii shir jaraa’id ka sheegay in uu guursanayo wasiirka arimaha dibadda ee dalkaasi Nina Shtansk kadib markii uu jaceyl dhex maray.

Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Nina ay ka tagi doonto jagada wasaaradda  oo mid kale loo dhiibi doono, isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay guddan doonto mas’uuliyadeeda Xaasnimo.

Shevchuk  waxaa loo doortay  Madaxweynaha Trans-Dniester  2011-dii isagoo ka dalbaday Ruushka 2014-kii in ay gacan siiyaan dowladdiisa.

Trans-Dniester waxaa ay ka go’day Moldova sanadkii  1990, Ruushka xad lama lahan balse waxaa ku sugan ciidamo nabad ilaalin Ruush ah oo gaaraya ilaa 1,500  askari.