U bood dhigaalka

Madaxweyne Hore Sheekh Shariif “Waxaan Diyaar U nahay In 8 February Ka Hor Laga Heshiiyo Doorashada”

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib maalmo uu ka maqnaa ayaa  ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

Sheekh Shariif oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa waxaa uu yiri: “Shirkeygaan waxa aan uga hadlayaa Xaalada dalka Siyaasad iyo Amni ahaan intaba,  Xiligaan waxaa Rajo weyn laga qabay in eey doorasho qabsoomto laakiin Nasiib darro wali arintaas meysan dhicin,  waana arin lagama maarmaan ah si Dalkaan uu u helo xasilooni iyo Horumar. ”

“Doorashooyinku waa in eey ku dhacaan waqtigooda sida aad wada ogtihiin waxaan Rajeyneynay in laxaliyo khilaafaadka kajira Habka Doorashooyinka si nabad iyo wadahadal lagu xaliyo laakiin Wali madhicin Mucaaradkuna marwalba aragtidooda waa Doorasho xor iyo xalaal ah oo Dadka soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ku qanci karaan, Doorashaduna waa arin qaran ee ma ahan arin qolo gaar ah leedahay waxaana aamin sanahay in wali laheysto waqti arimahaas lagu xalinkaro.”

Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha midowga Musharaxiinta  Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa soo hadal qaaday arimaha ammaamka dalka waxa uuna yiri “Amniga sidaad lasocotiin baryahaan waxaa soo kordhay culeysyo farabadan oo eey ku hayaan dalka al-shabaab meelo kaladuwan oo
dalka kamid ah arintaas waa arin culeyskeeda leh,  dadka soomaliyeedna meeley joogaanba culeys kuheysa oo saameyn ku yeelaneysa dhaqaalaha iyo dhaq-dhaqaaqa dadka iyo noloshooda intaba waxaana fursad siisiinaya kala taagnaashaha siyaasadda iyo aragti la’aanta siyaasadeed dhinaceena waxaan diyaar unahay in aan qeyb
kaqaadano sidii loogu heshiin lahaa arimaha doorashooyinka waxaan idiin balanqaadayaa anigoo kuhadlaya magaca Mucaaradka in aanaan kashaqeyneyn wax dalkaan dhib ku ah waxaana rabnaa dalkaan Nabadiisa iyo Dowladnimadiisa”

Hadalka Sh.Shariif ayaa ku soo aadaya xilli xaalad cakiran oo dhanka doorashooyinka ah ay taagan tahay , weliba xubnaha Murashixiinta iyo dowladduna ay weli xal ka gaarin .