U bood dhigaalka

Madaxweyne Hore Xasan Sheekh Maxamuud Oo Muqdisho Yimid

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa magaalada Muqdisho soo gaaray madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku dhowaad Labo sano dalka ka maqnaa.

Waxaa soo dhoweyn ballaaran loogu sameeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo halkaasi ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne hore Xasan Sheekh ayaa goor dhow waxa uu saxaafadda kula hadli doonaa qeybta VIP-da ee garoonka Aadan Cadde.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News