U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug: Cadaaladda Ayaan La Horkeeni Dadkii Ka Dambeeyay Dilalkii Ka Dhacay Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay shaqaaqo habeen ka hor ka dhacday degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Wuxuu sheegay in dilalkii iyo dhaawacii loo geystay nabadoonnada Caabudwaaq ay tahay arrin nasiib darro ku ah dadka degaanka maadaama dadka la laayay ay ahaayeen waxgalkii bulshada gobollada dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in tallaabo degdeg ah uu maamulka Galmudug ka qaadi doono dadkii ka dambeeyay falkaasi gurracan ee lagu dilay waxgaradka kuwa kalena lagu dhaawacay.

Maxamed Xaashi ayaa carrabka ku adkeeyay in ka maamul ahaan ay wadaan dedaallo ku aadan sidii lagu soo qaban lahaa kuwa ka dambeeyay weerarka ka dhacay guri ku yaalla Caabudwaaq oo dhimashada iyo dhaawaca uu ka dhashay.

“Galmudug waa ka xun tahay waxa ka dhacay Caabudwaaq, baaritaan ayaana socda lagu doonayo in lagu soo qabto dadkii ka dambeeyay weerarka” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa tilmaamay in cadaaladda la hor-keeni doono haddii la soo qabto dadkaasi ka dambeeyay dilalka iyo dhaawaca loo geystay waxgaradka magaalada Caabudwaaq.

Habeen ka hor degmada Caabudwaaq waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday guri ku yaalla halkaas oo lagu dilay nabadoonno kuwa kalena lagu dhaawacay.

Goobjoog News