U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug, Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Iyo Waxgarad Ku Kulmay Cadaado (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa maanta Cadaado kula shiray duubabka dhaqanka iyo gudiga doorashada heer federaal iyo heer gobal taas oo dhowaan la filayo inay ka billaabato magaalada Cadaado.

Kulanka maanta dhexmaray madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, Odayaasha dhaqanka beelaha ee rrgada soo xulaya iyo gudigayada doorashooyinka heer gobol iyo heer Federaal ayaa looga hadlay dardargelinta hawlaha doorasho ee ka bilaabanaya magaalada Cadaado.

Saraakiil ka socotay millateriga dowladda federaalka iyo wasaaradda amniga Galmudug ayaa ka qeyb galay kulankani waxaana looga arrinsaday sidii amniga loo xaqiijin lahaa inta ay socdaan howlaha doorashada.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo dhammaadkii kulanka ka hadlay ayaa duubabka dhaqanka ugu baaqay in la ilaaliyo qoondada Haweenka ee Ergada iyo Baarlamaankaba.

“Waxaan idin ka codsanaynaa ergada aad soo xuleysaan in sida lagu heshiiyay dumarka ay ka dhex muuqdaan, waana sheey muhiim ah oo loo baahan yahay inaad ilaalisaan oo aad tixgalisaan islamarkaana aad ka fogaataan khilaafka” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Maxamed Xaashi ayaa sheegay in guddiga doorashada iyo Odayaasha dhaqanka ay u madaxbannaan yihiin howlahooda Galmudugna aysan faragelineynin.

“Wax walba oo aad u baahan tihiin hiil iyo hoo Galmudug diyaar beey idin la tahay, ma jiro annaga qof aan u wadanno madaxweyne ama xildhibaan marka cidda aad rabtaan soo doorta, laakiin xildhibaan dadka mateli kara keena” ayuu mar kale yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi.

Dhowaan ayaa la qorsheynayaa in magaalada Cadaado oo hadda ah xarunta KMG dowlad gobaleedka Galmudug in ay ka billowdaan soo xulidda ergada doorashada iyo xidhibaannada federaalka, dhaqdhaqaaqyo arrintaa ku aaddan ayaana magaalada ka billowday.

11 10 009 008 007 006 005 004 003 002 001

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada