U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Kormeeray Xero Ciidan Oo Ku Taalla Degmada Gallinsoor (SAWIRRO) 

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka dowlada Galmudug maxamed xaashi cabdi oo ay weliyaan saraakiil ciidan, taliyaha qeybta 21-aad iyo mas’uuliin kale ayaa maanta kormeer ku tegay gaaska 11 oo ku taal duleedka magaalada gelinsoor ee gobolka galgaduud isla markaana uu tababar uga socdo ciidamo ka tirsan Milatiriga dowlada federaalka soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada Galmudug, taliyaha xerada ciidanka 21-aad  iyo saraakiil kale ayaa maanta booqday gaaska ama xerada 11-aad oo ku taalla duleedka degmada Gallinsoor ee gobolka Galgaduud.

Socdaalka madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ahaa mid uu ugu kuur galayey qaabka ay u socoto howsha xerada sida tababarrada ciidamadu qaateen iyo noloshooda ayaa waxaa halkaas soo dhoweyn ugu sameeyay maamulka Gallinsoor oo ay deris yihiin xerada ciidamada Dhaan ka roone iyo qeybaha bulshada.

Intaas kadib ayaa Abaanduulaha qaybta 21-aad ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed gaashaanle sare Cabdullaahi Aadan Xuseen(Ciirro) uu madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi uga warbixiyay qaabka uu u socdo tababarka ciidamada isagoo tilmaamay in xeradani 11-aad ee Dhaan ka roone xilligaan ay ku suganyihiin ku dhowaad 300 oo Askari.

Waxa uu sheegay inay jiraan ciidamo xerada ku sugnaa oo loo qaaday aqoon kororsi magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Maxamed Xaashi ayaa sheegay in la dardargelinayo howsha ah in la isku dhafo ciidamada kala duwan ee ku sugan degaannada Galmudug si ay si wadajir ah uga qeyb qaataan xaqiijinta ammaanka iyo ka hortagga falalka ammaanka liddiga ku ah.

Ciidamada xerada tababarka uu uga socdo ayaa qeyb ka ah ciidamo dhowaan tababar ciidanimo looga furay degaannada Galmudug uu maamulo sida xerada 21-aad oo ku taalla magaalada Cadaado oo hadda ah xarunta KMG ah ee dowladda Galmudug.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

maxamed-xaashi-xerada-gallinsoor-3 maxamed-xaashi-xerada-gallinsoor-1 maxamed-xaashi-xerada-gallinsoor-2

Goobjoog News