U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle oo Bixiyey Amar Looga Gaashaamanayo Fataahada Webiga Shabeelle

Sheeko:Amniga

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad goboleedka  HirShabeelle  Ali Gudlaawe Hussein oo ay wehliyaan Wasiiro Xildhibaano Gudoomiyaha Gobolka iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer indha indheyn ah ku tagay Tuulada beyxaaw oo ay ka socotay howlo lagu caro tuurayo Hareeraha Wabiga si looga hortago fatahaad uu geysto Wabiga.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa sidoo kale  booqday tuulooyin jiinka wabiga ku yaal isagoo amar ku bixiyay in caro tuur xoog leh lagu sameeyo meelaha uu ka jilicsan yahay si looga baaqsado fatahaad ka dhacda deegaanadan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku Xigeenka Md Cali Guudlaawe ayaa bulshada degan jiinka Wabiga ugu baaqay in maamulka ay garab istaagaan kalana shaqeeyaan cara tuurka Wabiga.

Goobjoog News