U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabelle Oo Baaq u Diray Beello Ku Dagaallamaya Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle, Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay beello ku dagaallamaya gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe in ay xabadda joojiyaan.

Guudlaawe ayaa sheegay in dedaal walbo ku bixinayaan sidii loo soo gabagabeyn lahaa colaadahaasi, isaga oo dhanka kale waxgaradka ugu baaqay iney ku baxaan beelahan is haya.

Sidoo kale, madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in ka maamul ahaan diyaar u yihiin sidii gogol nabadeed loogu fidin lahaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya xadka gobollada Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Dagaal beeleedyo ayaa kusoo noq-noqday deegaanno ka mid ah Hirshabelle, welina ma jirto wax xal ah oo laga gaaray.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News