U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland: Al-shabaab Waxaa Looga Guuleysan Karaa Midnimo

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar ayaa sheegay in waxa kaliya ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay Al-shabaab uga guuleysan karaan ay tahay midnimo.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dowladda Soomaaaliya iyo maamullada ay is weydaarsadaan xogaha Al-shabaab laga hayo, islamarkaana ay muuqato wada shaqeyn ku dheehan midow.

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay qaraxii shalay  lagu weeraray Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in loo baahan yahay dowladda Federaalka iyo Milkiilayaasha Hoteellada inay keenaan xeelad cusub oo amniga shacabka lagu sugayo.

“Waxaan dhihi lahaa isku daya dowladda Federaalka iyo Milkiilayaasha Hoteelka Xalka qaraxyada maalmahan dambe kusoo laabtay Muqdisho iyo waxa lagu badbaadin karo shacabka Soomaaliyeed, waxa kaga qeylisiinaya reer Puntland in la midoobo oo la iska kaashado la dagaallanka cadowg waa dhibaatooyinkaan oo kale, waa in la is dhaafsado wixii warar ah oo laga hayo cadowga, sida kaliya ee Al-shabaab lagu jebin kara waa midnimo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootay weerar Ismiidaamin ah oo shalay lagu qaaday Hoteelka SYL ee Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay dad intaasi ka badan.

Goobjoog News