U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland “Ciddii Jebisa Amarrada Aanu Soo Saarnay Waa Argagaxiso Kalkaal”

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland C/xakiin Cumar Camey ayaa sheegay in ay maqlayaan dad diiddan amarro dhawaan uu soo saaray maamulkooda kuwaasi oo lagu sheegay in amniga wax looga qabanayo.

Wuxuu tilmaamay in darawallo ku sugan deegaannada Puntland iyo dad kalena ay sheegeen in wareegtadii dhawaan soo saaray maamulka Puntland ee ah in badeecada ka timaada gobollada Koonfur lagu dejiyo Gaalkacyo ay tahay mid aan laga fiirsan.

Cid walbo oo kahor timaada wareegtadan wuxuu ku sheegay madaxweyne ku xigeenka inay saaxiib la tahay waxa loogu yeero argagaxisada tallaab adagna laga qaadi doono.

“Ciddii jabisa amarrada aanu soo saarnay waa argagaxiso kalkaal, waxaan ku dareynaa liiska cadowga umadda, waa in lala shaqeeyaa dowladda oo lagu raacaa amarrada nabad galyada lagu xaqiijinayo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

Dhawaan maamulka Puntland ayaa ammar ku bixiyey in ganacsiga iyo xoolaha ka yimaada dhanka gobollada Koonfureed ee dalka lagu dejiyo magaalada Gaalkacyo halkaasi oo gaadiid kale uu ka qaadi doono.

Goobjoog News