U bood dhigaalka

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhaliilay maamulkii ka horeeyay ee Faroole hogaaminayay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdi Xakiin Cabdulaahi Cameey ayaa ku dhaliilay maamulkii hore ee uu hogaaminaayay Faroole in dhaqaale xumidda hadda ka jirta Puntland uu ahaa mid ay iyaga sii hoprseedeen.

Mas’uulkaan oo khudbad ka jeedinayay xarunta baarlamaanka maamulkaasi ayuu sheegay in dhaqaale xumida ka taagan meelo kamid ah Puntland uu sababteeda iyo masuuliyaddeedaba qaadanayo maamulkii Faroole, maxaa yeelay buu yiri markii horeba wax taxadar ah kama aanay sii sameyn arimaha dhaqaale ee maamulka wajihi kara.

Cameey ayaa dhanka kale sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan deegaano badan oo Puntland ka mid ah, islamarkaana maamulkooda uu hogaamiyo C/weli Gaas ay halkaasi ugu yimaadeen iyadoo aanay jirin wax muuqdo oo la qabtay.

Markii uu xilka wareejinaayay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay wax badan ka qabteen deegaanada Puntland, sidoo kalena maamulka cusub aanu meel eber ah wax ka bilaabi doonin.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Cameey.

Goobjoog News