U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Ka Horyimid Guddi Uu Magacaabay Dani

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu kaga soo horjeestay guddiga doorashooyinka ku meel gaarka ah ee uu magacaabay madaxweynaha maamulkaasi Saciid C/laahi Dani.

Karaasha ayaa sheegat in madaxweynaha aanu wax la tashi ah kala sameyn magacaabista guddigan, ayna tahay go’aan uu kaligiis gaaray.

Wuxuu tilmaamay maadaama dastuurka uu dhigayo in madaxweynaha uu kala tashado ku xigeenkiisa magacaabista guddiga in aanay waxbo ka jirin xubnihii la magacaabay, isaguna aanu waxbo kala socon.

Halkaan hoose ka akhriso:

Goobjoog News