U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Oo Kahor Yimid Shirka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Cabdixakiin Camey, madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland ayaa sheegay in xilligaan aanu muhiim u arag in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ay shirk u yeeshaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Waxa uu sheegay madaxweyne ku xigeenka in shirkaan loo baahan yahay in dib hadda loo dhigo, wixii kala tabasho ah ee maamullada  iyo dowladana lagu dhameeyo miiska wadahadalka, oo Muqdisho la isugu tago.

Camey ayaa sidoo kale sheegay in shirkaan ka furmaya Kismaayo aanu waxbo soo kordhin doonin, ayna sii muuqan karto kala aragti duwanaanshiyaha iminka jira.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ugu baaqay madaxda maamul goboleedyada dalka iyo dowladda dhexe in Muqdisho ay isugu tagaan si loo dhameeyo khilaaf walbo oo jira.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gogol wadahadal ah Kismaayo u dhigay madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Goobjoog News