U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore Ee Ciraaq Oo Caalamka Ugu Baaqay Taageero Siinta Soomaaliya

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Cirqaa Ayad Allawi oo shalay khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, ayaa beesha caalamka waxa uu ka dalbaday in taageerro xooggan ay siiyaan Soomaaliya.

Ugu horeen ayuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo aad u jecel dalalka kale ee carabta ah, islamarkaana aad usoo dhaweeya madaxda dalalkaasi.

“Soomaaliya iyo shacabkeeda waxaa lagu bartay jeceylka walaalahooda Carabta ah, iyo dhulkiisa qiimaha badan oo Juquraafi ahaan Kullaala badweynta Hindiya, Koofura dalalka Carabta iyo ilaaliyaha Baab- Al Mandab iyo Furaha Badda Cas iyo Badweynta Hindiya” ayuu yiri Allawi.

Waxa uu hadlkiisa ku daray “Shacabka Ciraaq iyo dowladiisaba waxaa ay xilli hore ogaadeen kaalinta uu leeyahay shacabkan qiimaha badan iyo ahmiyadda Soomaaliya, sidaa darteed ayuu Ciraaq ku marti geliyeen Soomaali badan Jaamacaheeda, goobaha shaqo, xitaa Macaahidda iyo Jaamacadaha lagu barto Cilmiga Caskariyadda, sidoo kale Ciraaq waxaa ay Soomaaliya ka taageertay dhaqaale ahaan taas oo kor u sii qaaday kalsoonida iyo jaceylka naga dhaxeeyay”

Sidoo kale mr Allawi ayaa yiri “Waxaan ugu yeeray, welina ku adkeysanayaa in la qabto shir goboleed kaas oo ka qeyb gelayaan dowladaha bariga dhexe iyo Itoobiya kaas oo looga hadlayo labo arrin oo kala ah: in la ixtiraamo madaxbannaanida dowladaha oo aan la faragashan arrimaha gudaha ee dalalkaas iyo midda labaad oo ah in la is dhaafsado arrimaha danta ugu jirto dalalkaas, waxaan rajenynayaa in shirkaas ay ka soo baxaan qodobbo wax badan ka tari doona nabad gelyada caalamka, laakiin haddii xaaladda looga tago sida ay tahay waa laga sii darayaa”.

“Waxaan dalalka carabta iyo caalamka kala hadlay guulaha laga gaarayo argigixisada Militari ahaan oo aanay la socon mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale aanay soo jiideyn wax faa’iido ah”. Wuxuu soo qaatay shir ka dhacay Sharma’sheekh oo Xusni Mubaarak martigeliyey hey’ado badan ay ka soo qeyb galeen kaas oo mar labaad uu dalbaday in la qabto.

Waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay Soomaaliya iyo Ciraaq ay aad isugu eg yihiih, laakiin uu ku faraxsanahay in Soomaaliya ay ka gudubtay, waxaan jelahay inaan ehelkeena Soomaaliya aan ku baraarujiyo iney qabsadaan go’aan xor ah iyo dhismaha dowlad adag oo caddaalad sameyn karta muwaadiniintana si siman ugu adeegi karta, ammaan dhalin karta adeeggii dowladnimana laga heli karo, midnimada Soomaaliya ilaalin karta.

Ugu dambeyn wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa in la gaaray wakhtigii dalkani uu cagihiisa dib isugu taagi lahaa, isla markaana uu heli lahaa dowlad sal adag oo adeegyadii kana guuleysaneysa musiibooyinka iyo dhibaatooyinka oo dhan”.

Waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray “Waxaan ka codsanayaa dowladaha Carabta iyo Islaamka iney garab istaagaan Soomaaliya, Illaahay ha ina badbaadiyo ,guul barwaaqo ,amni iyo ammaan hela, horey aan u soconno si kalsooni leh”.

shacabkeeda dhameys tirta, “waxaan halkan idiinka sheegayaa cod dheerna aan ku sheegayaa  inaan idin garab taaganahay, dhibaatadiinana waan idinla qeybsaneynaa illaa intaad ka baxeysaan.

Goobjoog News