U bood dhigaalka

Madaxweyne Ku Xigeenkii Hore ee Maamulkii Ximan iyo Xeeb oo Maanta Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Maxmed Axmed Nuur (Cabdi Kuus) oo hore uga soo mid noqday masuuliyiintii ugu sareysay ee maamulkii la oran jiray ximan iyo xeeb ee deegaannada Galmudug.

Marxuumka ayaa maalmihii dambe ku xanuunsanayay caasimadda dalka  waxaana geesridiisa xaqiijiyay xubno ka tirsan ehelkiisa waxaana marxuumka aad looga yaqiinay deegaannada Galmudug.

Cabdi Kuus Waxa uu soo noqday madaxweyne ku xigeenkii ximan xeeb waxaana geeridiisa durbadiiba ka tacsiyadeeyay siiyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaannada Galmudug.

Qoraal ka soo baxay madaxweyne Qoorqoor ayaa looga tacsiyadeeyay geerida marxuum Cabdi Kuus ““Waxaan Tacsi tiiraanyo leh udirayaa qoyskii, qaraabadii iyo dhamaan umada soomaaliyeed ee uu ka baxay Allaah ha u naxariisto Madaxwayne ku xigeenkii hore maamulkii Ximan iyo Xeeb, AUN Cabdi Maxamed Axmed Nuur (Cabdi Kuus), oo ku geeriyoodey Magaalada Muqdisho Waxaan Alle uga baryeenaa inuu unaxariisto, Ehelka iyo Umada reer Galmudugna samir iyo iimaan Allaah ha ka siiyo” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Goobjoog News