U bood dhigaalka

Madaxweyne Lafta Gareen oo Xarigga Ka Jaray Xarunta Nabad Sugida Xudur

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen ) ayaa maanta oo jimco ah xarigaka jaray xarunta hay’adda  sirdoonka iyo nabad sugida qaranka ee degmada xuddur oo ka mid ah goobaha Barnaamijka  si isxilqaan ah  lagu sameeyey.

Madaxweyne Cabdicasiia Lafta Gareen ayaa booqday guud ahaan dhismaha ay ka koobantahay xarunta   ha’yada sirdoonka iyo nabadsugida qaranka degmada xuddur  waxaana uu shacabka ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixiyeen dib u dayac tirkaan xaruntaan muhiimka u ah degmada iyo guud ahaan amniga.

Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida qaranka ee soomaaliya ayaa dadaal badan gelisey sidii ciidamada nabadsugida uga howlgali lahaayeen degmada xuddur, waxana muddooyinkii dambe ciidamo u carbisan shaqada loo igmaday howlgalo nabada lagu sugayo ka sameynayaan ghdaha magaalada.

Taliyaha Hay’ada Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee koofur galbeed soomaaliya Cali Cabdulaahi Isaakh (Cali Gantaal) ayaa ka warbixiyey juhdiga ay geliyeen bulshada  xaruunta hay’ada nabad sugida degmada xuddur.

“Waxaan bulshada ka codsanayaan inay kala shaqeeyaan sugida amniga iyagoo kaashanayo ciidamada sidoo kale waxaan xarumo kale ka furi doonaa dhammaan degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya”Ayuu ku daray Madaxweyne (Lafta-Gareen).

Goobjoog News