U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen oo Isbitaalka Xudur Ku Booqday Askarii Ku Dhaawacantay DagaalKii Abal

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad gobleedka koofur  Cabdulcasiia Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalintii 2-aad ku sugan magaalada xuddur ee caasimada gobolka Bakool ayaa maanta booqday  Isbitaalka  guud ee degmada Xudur,

Madaxweynaha ayaana booqday goobaha lagu daweynaayo  askartii u dhhawacantay  dagaal ka dahacay deegaanka Abal gobolka Bokool oo ay kula dagaalameen Alshabab isaga oo dhaawacyada gaarsiiyey deeq lacageed .

Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bogaadiyay askarta inay yihiin laf dhabarka uu leeyahay dalka isla markaana haatan ay ciidamadqa xoogga dalka ay ku socoto daib habeyn xooggan hadii ay ahaan laheyd in la qalabeeyo iyo in xuquuqohooda loo dhameystiro.

“Ciidamada Qalabka sida waxaan dooneynaa inaan dib u qalabeyn ku sameeyno maxaa yeelay dalkaan dadkii hanaan lahaa guud ahaan Amniga waa iyaga waxaana dhameystiri doonaan xuquuqaha ay leeyihiin inagoo uga mahadcelineyno sida ay ugutaan waajibaadka loo ekmaday”ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta –gareen)

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa waxa uu xariga ka jaray xaruun cusub ee laga hirgeliyey suuqa xoolaha ee degmada xuddur,  sidoo kale isaga iyo wafdigiisa waxaa ay kormeer ku tageen  dhismooyin kuyaala gudaha xaruunta.

Ugu dambeyntii  madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-Gareen) ayaa bogaadiyey hirgelinta mashaariicda hormarineed  oo laga hirgalinayo degmada Xudur kuwaasi oo dhaxal gal u ah magaalada waxaana sidoo kale uu ugu baaqay hay’addaha ka hogl-galla inay wax ka qabtaan baahiyaha kale ee ka jira deegaanka.

Goobjoog News