U bood dhigaalka

Madaxweyne Laftagareen Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay& DFS

Sheeko:Dalka
Wafdigan oo isugu jira Wakiilka Qaramada Midoobay u qaaabilsan arrimaha tacadiyada ka dhanka haweenka goobaha dagalada ka socoda iyo wasiiradda haweenka xuquuqul insaanka dowladda fedaralka ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay gaareen  magaalada Baydhabo.

 

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay Lataliyaha Madaxweynaha KGS ee Arrimaha Haweenka iyo Wasiirka gaarka Maareynta Masiibooyinka DGKGS .

Intaasi ka dib ayaa waxaa ay kulan la qaateen Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen , Waxana Kullanka qeyb ka ahaa wasiirada wasaradaha Qorsheynta , Gar gaarka Maareynta iyo Masiibooyinka, Cadaaladda Iyo Garsoorka , Haweenka iyo Xuquuqul insaanka DGKGS iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Ka dib ayaa si wada jir ah ula hadleen Warbaahinta, Waxaana ugu horeen Halkaasi ka hadley Wakiilka Qaramada Midoobay U qaaabilsan Arrimaha Dacadiyadaha ka dhanka Haweenka Goobaha dagaalada Ka socoda pramilla patten iyo Wasiiradda Haweenka Xuquuqul Insaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasiin, Waxana ay sheegeen Ujeedka ay  gaareen Magaalada Baydhabo, in ay tahay sidii dowlad Goboledka Kgs u gala shaqeyn lahaayeen horumarminta Arrimaha Haweenka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa waxaa uu sheegey in Kulanka ay la qaateen wafdiga Ka socoda Qaramada Madoobey iyo DFS,ay kawada hadleen sidii udub dhaxaad ugu noqon lahayeen Haweenka Maamulada.

Goobjoog News