U bood dhigaalka

Madaxweyne Madoobe oo u Duulay Kenya

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland mudane Axmed Madoobe ayaa lagu waramayaa in uu goordhow u duulay magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan inuu halkaasi kula kulmi doono mas’uuliyiin Soomaali iyo ajaanib ah oo ku sugan Nairobi.

Waxaa xusid mudan in Villa Somalia aaney aqoonsaneyn natiijada doorashada lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe.

Ilo safarka ku dhow ayaa sheegaya in laga yaabo in dadka uu madaxweynaha la kulmayo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah.

Goobjoog News