U bood dhigaalka

Madaxweyne Madoobe oo Xayiraadda Ka Qaaday Xukuumadda Kheyre

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Kismaayo, xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ka dhacay shir ay yeesheen golaha wasiirrada maamulkaasi, waxaana shir guddoominayey madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

Shirka ayaa go’aamada ka soo baxay waxaa ka mid ahaa in xayiraadii laga qaaday Golaha Xukuumada Federaalka ah kaas oo kal hore golaha Wasiirada Jubbaland ay hakiyeen wada shaqayntii ka dhaxaysay labada dhinac.

Bilihii la soo dhaafay waxaa aad u xumaa xiriirka xukuumadda federaalka ah iyo Jubbaland, taas oo keentay in tan dambe oo ka cabsaneysa faragelin ay xuduudaha ka xirato xukuumadda federaalka ah, joojisana wada shaqeynta.

Dhankeeda xukuumadda federaalka ah waxaa ay sheegtay in aaney aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinka Jubbaland, baarlamaan iyo madaxtinimadaba.

Goobjoog News