U bood dhigaalka

Madaxweyne Mursi Oo Xabsi Daa’in Ah Lagu Xukumay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Sare ee dalka Masar ayaa taageertay xukun xabsi daa’in ah kaasi oo gaaraya mudo dhan 25 sano laguna riday madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi oo lagu eedeeyay inuu sirdoon u ahaa dowladda Qatar.

Xukunka ay soo saartay maxkamadda sare oo ah mida ugu sarreysa dalka garsoor ahaan ayaa sidoo kale saddex eedeysanayaal ah waxay ku riday dil toogasho ah.

Maxkamadda dambiyada ee qaahira ayaa xukun ka soo baxay 21 abriil,2015 waxay ku sheegtay in madaxweyne Mursi iyo koox kale la ciqaabo ka dib markii ay awood u adeegsadeen dad ku banaan baxay afafka hore ee madaxtooyada dalkaasi intii uu xilka hayey.

Goobjoog News