U bood dhigaalka

Madaxweyne Mustaf Muxumed Oo Xoogga Saarayo Xuquuqul Insaanka, 2 Arrin Ayuu Ka Digay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa hadlay markii ugu horeysay isaga oo sheegay inuu xoogga saarayo arrimaha Cadaaladda iyo xuquuqul insaanka.

Mustaf Muxumed Cumar  oo arrintaas ka hadlayo waxuu yiri“in cadaalad lagu dhaqo, in aanu noqon kaligii talis, isagu talada ka timaado ku hoggaamiyo, in dhammaan jaran-jarooyinka dowladdu sida ay u kala sareeyaan ay mid weliba shaqadiisa u madaxbannaanaato, oo talada aan shakhsi uun noqon, oo ay noqoto mid dadka oo dhan ay talinayaan, taasi aniga ayey i bad-baadineysaa in aanan qaladaad gelin, adinkana waa idiin bad-baadineysaa”.

Arrimaha xuquuqul insaanka iyo cadaaladda waxaa ka yiri “Ugu horeyn, waxa ii qorsheysan waxaa uu ahaa xuquuqul insaanka in wax laga qabto, in la is-cafinno wa muhiim, in wixii hore ee dhacay ka tagno waa muhiim, laakin hadana dadkii ay dhibaatooyinka ku dhaceen inay dareemaan inay bulshada ka mid yihiin waa muhiim…kuwii dhibka ku dhacay in wax loo qabto si ay bulshada ula sinnaadaan”.

Madaxweyne Mustaf waxaa uu fasaxay arrimaha dacaayadda iyo in maamulkiisa la dhaliilo “Dadka dacaayadda waa u fasaxan yihiin”.

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar  waxaa uu ka digay 2 arrin oo aan laga ogoleyn maamulkiisa iyo guud ahaan Itoobiya.

1. In qabaa’ilka la isku dhufto, oo ah reer hebel oo ka kac, waa la oran karaa reer hebel ayaa wax badsaday, reer heben ayaa yaa yaacaya, waxaa la oran karaa Mustafa ayaa meesha yimid oo reerkoodii ayaa yaacaya, waa la oran karaa waxaad dhib ma leh, laakin reer hebelow reer hebel ku duula, waa qalad.

2. Waxaa kale oo qalad ah, wixii diinta iyo akhlaaqda ay diideyso, sawiiro qaawan, aflagaaddo, cay noocaas ah, wixii intaas ka baxsan wax walbo waa laga hadli karaa”.

Goobjoog News