U bood dhigaalka

Madaxweyne Mustaf Oo Badalay Magaca Gobolka Soomaalida, Soona Celiyay Calankii Xiddigta Somaliweyn

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa amray in magaca Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu badalo “Somali State” iyo in la soo celiyo calankii hore ee ay ku jirtay xidigta Somaliweyn.

Madaxweyne Mustaf waxaa uu fasaxay sidoo kale arrimaha dacaayadda iyo in maamulkiisa la dhaliilo “Dadka dacaayadda waa u fasaxan yihiin”.

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar waxaa uu ka digay 2 arrin oo aan laga ogoleyn maamulkiisa iyo guud ahaan Itoobiya.

1. In qabaa’ilka la isku dhufto, oo ah reer hebel oo ka kac, waa la oran karaa reer hebel ayaa wax badsaday, reer heben ayaa yaa yaacaya, waxaa la oran karaa Mustafa ayaa meesha yimid oo reerkoodii ayaa yaacaya, waa la oran karaa waxaad dhib ma leh, laakin reer hebelow reer hebel ku duula, waa qalad.

2. Waxaa kale oo qalad ah, wixii diinta iyo akhlaaqda ay diideyso, sawiiro qaawan, aflagaaddo, cay noocaas ah, wixii intaas ka baxsan wax walbo waa laga hadli karaa”.

Goobjoog News