U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoor-qoor oo Xilka La Wareegay, Maxay Ka Dheheen?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay xilka madaxtnimada Galmudug ku wareejiyey madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor.

Madaxweynihii hore Axmed Geelle Xaaf oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri ” Ummadada, dadkaaga iyo dalkaaga caawa xilbaa ku saaray, ha moodin inuu fudud yahay, waa dhurwaa dhagihii haddii uu rabo, laakin inaan u adkeysato ayaa muhiim ah, inaad u samirto ayaa muhiim ah, inaad dadkaaga Senatarada iyo xildhibaanada inta aaney hadda tagin balama haddii shaqana u dir, haddii kale adiga ayey kaa shaqeynayaan, war ilaahbaa indiin ku dhaarshee aan gobolka u shaqeyno, gobollada waan xoreyneynaa, dekaddana waan furaneynaa”.
Dhankiisa, Madaxweyne Cabdi Cabdi Qoor-qoor oo isna hadlay ayaa yiri “Habeen taariikhda Galmudug ka galay baal dahab ah, ..waxaan rabaa inaan si gaar ah u xuso madaxweynihii hore ee Galmudug tanaasulkii, walaalninadii iyo odeynimadii uu u muujiyey Galmudug, iyada oo roonaan iyo u turid Galmudug waxaan aheyn aysan ku jirin ayaa isu tanaasulnay, isna aqbalnay, waa odey Galmudug, waa aabihii Galmudug taariikhda ayaa xusi doonta”.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoo-qoor ayaa waxaa horyaallo arrimo badan oo dib u heshiisiinta, xureynta deegaanka, dib u dhiska iyo arrimo kale.

Goobjoog News