U bood dhigaalka

Madaxweyne Qoorqoor iyo Wafdi Wasiirro ah oo Booqday Deegaanka Maarsamage

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban Wasiirro, Xildhibaanno iyo maamulka degmada Baxdo ayaa gaaray deegaanka Maarsamage ee ku yaalla bariga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaas  oo ay ku sugan yihiin ciidanka iskood isku abaabulay oo deegaanka ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa warbixin ka dhagestay odayaasha iyo hogaanka ciidanka deeganka oo ah shacab iskood isku abaabulay kuwaas oo u diyaar garoobay howlgal ka dhan ah Al-shabaab oo looga dhawaaqay gobolka, dadka deegaanka ayaa sidoo kale isku abaabulay deegaanka Cadakibir oo hoos taga degmada Cadaado.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Galmudug ayaa sheegay in wasaaradaha qaabilsan arrimaha beni’aadaannimada ay dadka deegaanada ay gaarsiin doonaan gargaar dhankasta leh, waxuuna baaq u diray hay’adaha arrimaha gargaaka inay dadka deegaannada abaarta iyo colaada ka jirto ay soo gaaraan.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlay odayaasha iyo dadka deegaanka ee iskood isku abaabulay ayaa ku bogaadiyay dadka deegaanka ee sida geesinimada leh ay ugu diyaar garoobeen la dagaallanka Al-shabaab, isaga oo sheegay in dowladdu la  garab taagantahay had iyo goor dadka shacabka ah ee u’istaagay iney la dagaalamaan Al-shabaab.

Deegaanno dhaca maamullda Hirshabeelle Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka bilowday abaabul ka dhan ah Al-shabaab, kuwaas oo ay samaynayaan dadka deegaannadaas oo taageero ka helaya ciidanka dowladda, Al-shabaab ayaa gubay ceelal iyo barkado ku yalla gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Goobjoog News